Maalinta aan shaqada saxaafadda joojin doono..!Maqaal

Muq-Warar Media—- Waxaan ahay wariye ku shaqaysta xirfadda saxaafadda waxaana xirfadaan ku shaqaynayay tan iyo sanadkii 2006

Inta aan shaqadaan ku jiro waxaan la kulmay culaysyo adag oo xataa naftayda halis galiyay waxaana jogto ii ahaa cago jugleyn iyo handadaad iiga imaanaysay dhinacyo kala duwan inkastoo ay ila qabaan wariyaal badan.

Hawshaan saxaafadda intii aan ku shaqaynayay waxaa waayay saaxiibo badan oo qaali igu ahaa oo aan dareensanahay inay naftooda ku waayeen hawsha ay bulshada u hayaan ama haddii aan si kale u dhigo waxay naftooda ku waayeen maxaad runta u sheegaysaan una shaqaysanaysaan..

Xilliyadii ugu adkaa ee saxaafadd laga shaqeeyo waxay aheyd intii u dhaxaysay 2007 illaa laga soo gaaro 2010 waa ay adkeyd xilligaas inaad sheegato inaad wariye tahay.

Ma jirin ehel qofkiisa u ogolaanayay inuu wariye noqdo sida loo gumaadayay awgeed.

Soomaaliya wariyaal badan ayaa xaq darro lagu dilay qalab warbaahineedna waa la qaatay intaasoo cadaadis ahna waxaa dusha loo saaraa Xarakadda Al-Shabab oo waagaas dhul badan ka talinaysay ama gacanta ku haysay.

Al-Shabab aad bay u cadaadin jireen wariyaasha warar aysan raali ka aheyna kama bixi jirin warbaahinta taasna waxay keentay in xataa ay hoos u dhacdo kalsoonida ay bulshada ku qabto wararka la baahiyo.

Dhamaan dhacdooyinkii ay warbaahintu soo martay waxay noqdeen wax laga sheekeeyo oo xasuus ahaan loo haysto.

Dawlada Soomaaliya waxay aheyd halka kaliya ee ay saxafiyiintu nolol ka raadsadaan marka ay kasoo cararaan dhulka Al-Shabab maamulayay waayo waxay u arkayeen inay tahay halka kaliya ee ay ugu yaraan uga bad baadi karaan handadaadii ay la kulmayeen.

Waxaan xasuustaa sanadkii 2009 mar la dilay Allaha u naxariistee Mukhtaar Max’ed Hiraabe Agaasimihii Radio Shabeelle wariyaal inta adkaysan waayay shaqada saxaafadda joojiyay waxaana ay xilligaas magansadeen dawladii ku meel gaarka aheyd.

Wariyaashaas badankood hadda waxay u shaqeeyaan warbaahinta dawlada Soomaaliya.

Markaas xaaladdu waa ay xumaatay xarumo warbaahineed ayaa xirmay, wariyaal aan yareyn wadanka ayay ka caraareen kuwa shaqo la’aan ayaa ku dhacday.

Wax sidii la ahaadaba mar kale ayaa warbaahintii dib boorka looga jafay idaacaddo ayaa la furay markaas dawlada Soomaaliya waxay ku jirtay dagaal ka dhan ahaa mucaaraadkeeda Al-Shabab oo Muqdisho ka socday.

Dagaalkaas warbaahinta waxaa la sheegaa inay door weyn ka qaadatay oo ay dawlada taageertay dawladuna waa ay qirsan tahay sababtuna waxaa weeye saxaafaddu cadawga ay leeyihiin waxay u arkeen Al-Shabab.

Hadda dalka intiisa badan dawlada Soomaaliya ayaa ka talisa

Waxaa jira dareen ay bahda saxaafaddu qabto oo ah inuu jiro cadaadis warbaahinta ku bilowday tan iyo waagii San-balooshe uu noqday taliyaha nabad sugida.

Idaacaddaha Muqdisho ka shaqeeya waxaa mar lagu amray inaysan qaadan wararka Al-Shabab waana la qaatay inkastoo uu ahaa khalad madaxda warbaahinta ka dhacay marka sharciga saxaafadda loo eego.

Amarkaas ma aha mid qoran ee waa mid af oo kaliya ah illaa haddana waa uu jiraa.

Hadda dawladu waxay soo rogtay in Al-Shabab loogu yeero magaca “UGUS” oo loola jeedo (Ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed).

Hay’adaha amaanka hadda waxay amrayaan in magacaas loogu yeero marka Al-Shabab wax laga qorayo.

Amarkaan dambe iyo kii horeba wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo howsheedu tahay la socoshada xaaladaha warbaahinta aamusnaan ayay ku kabtay.

Inay ogtahay iyo inaysan ogeyn aniguba ma ogi.

Waxaan xasuustaa maalin uu wariyaasha iskugu yeeray afhayeenkii Al-Shabab Sh, Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur maalintaas waxaa uu saxaafadda dul dhigay amar ahaa in saxaafaddu adeegsato magaca ah “Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabab” waana la qaatay sababtoo ah waa laga cabsanayay su’aashuse waxay tahay hadda cabsi dawlada laga qabo maloo qaataa amarka dawlada haddiise aan dhan kale ka eego waagaas Al-Shabab ayaga ayaa magacaas isku baxshaye ee ma aysan oran cid hebel magacaas dhaha.

Dalku hadda ma laha sharci saxaafadeed oo shaqeeya warbaahintuna iskuma duubna.

WARBAAHINTA DAWLADA IYO TAN MADAXA BANAAN.

Dawladu marka ay ammarkaasi soo rogayso waxaa loo baahnaa inay warbaahinta u kala qaado midda dawlada iyo tan madax banaan

Tan dawlada waxa ay doonto ayay ka samaysan kartaa tan madaxa banaanse waxaa jira xeer iyo sharci xadidaya taasoo loo baahanyahay in dawladu ogaato.

Soomaaliya willi kama joogasan beegsiga saxafiyiinta amaankoodana cid damaanad qaadaysa ma jirto xataa wariyaasha dawlada u shaqeeya ayaan amaankoodu sugneyn.

Soomaaliya waa dalka Sadexaad ee saxafiyiinta lagu dilo dunnida oo dhan waxaana ka horeeya dalalka Ciraaq iyo Syria.

Waxaa la aaminsanyahay in Soomaaliya lagu dilay56 wariye tan iyo sanadkii 1992.

Shantii sanno ee lasoo dhaafayna Soomaaliya waxay kaalinta 1,aad ka gashay wadamada Africa ee wariyaasha lagu dhibaateeyo.

Sargaalka amraya in Al-Shabab UGUS la dhaho waxaa illaaliya ciidan aan tiro yareyn gurigiisa wadooyinka soo gala waa ay xiran yihiin marka uu magaalada socdana waxaa uu raacaa gaari nooca aysan rasaastu Karin ah haddii xilka laga qaadana dunida meesha uu doono ayuu ka aadi karaa laakiin wariyaha uu beerta tiitiinka u abuuray yaa u maqan? Yaase amaankiisa sugaya?….

Waa su’aal ay adag tahay in jawaab loo helo…….

AWOODDA AL-SHABAB EE XILLIGAAN.

Inkastoo Al-Shabab aysan hadda ka talin meelo badan oo dalka haddana awood ahaan waa ay jiraan oo ma qarsana xilliga ay doonaan ayayna weerar ku qaadi karaan meeshii ay doonaan Soomaaliya.

Aan tusaale usoo qaadano tan iyo markii Al-Shabab laga saaray magaaladda Muqdisho waxay weerareen xarumaha ugu amaanka badan dalka sida madaxtooyadda Soomaaliya, xarunta hay’adda UNDP ee Muqdisho xerada ugu weyn ciidamada AMISOM ee Xalane xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ku shiro iyo xarumo kale oo ay ka mid yihiin Wasaaraddo maxkamada gobolka iyo hoteelo.

Ayadoo intaas oo dhan ay jirto maxaa diidaya in Al-Shabab ay weerar ku qaadaan xarumaha warbaahinta qaadata amarka dawlada? Dawladuse awood ma u leedahay inay sugto amniga xarumaha warbaahinta.?

Al-Shabab waxay ku goodiyeen inay tilaabada ku haboon ay ku qaadayaan wariyihii ayaga u adeegsada magaca UGUS.

Saxaafadda Soomaaliya waa dulmane mar walba

Haddii madaxda xarunta aan ka shaqeeyo ku adkaysto in Al-Shabab UGUS la dhaho waa maalintii aan aan shaqada saxaafadda joojin lahaa…….

Waxaa qoray Burhaan Diini Faarax

Warar.net

Somali News Agency

Share This: