Somalia iyo Argagixisadda.

W/Q:-C/casiis Maxamuud Guuleed “Afrika”
Somalia waxay Sannado badan la daalaa dhacaysay Dhaqdhaqaaqyadda Argagixiso ee Kooxda xiriirka la leh Alqaacidda ee Alshabaab. Waxayna sannado badan Kooxaha Mayalka adag ka wadaan Dalkan Somalia ficilo argagixisanimo oo ay waxyeelo uga gaysanayaan Somalia iyo Dalalka kale ee dariska la ah, iyadoona Ficiladaasi ay noqdeen kuwo ku reebay Raadad Cabsi ah Soomaalida iyo Shucuubta kale ee Gobalka. Waana tan keentay inay fursad u helaan samaysashadda Gabaadyo aan qofina ku dhicin inuu sheego, sababo la xiriiro arxan la’aanta ay ula macaamilaan cid kasta oo ay u arkaan inay Qatar ku tahay ama ka soo horjeedo Fikradahooda loo ekeysiiyay Dhaqanka Islaamiga ah, laakiin aan waafaqsanayn Shareecadda Islaamka.
Waxaa billihii ugu dambeeyay soo ifbixiyay in Dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ay dhici karto inay u xuubsiibtaan Kooxda ISIS ee 2014 kii ka goosatay Alqaacidda, iskuna boqortay inay tahay Dawlad Islaami ah. Waxayna Kooxdan ku billaabatay Sheegashadda Syria iyo Ciraaq, illaa ay sheegashadeedu hadda soo gaartay Somalia.
Fursadaha Argagixisadda ee Somalia
Somalia waa Dal Dhaca Bariga Afrika, Dadkiisu Waa Muslim, Aragtidoodu waxay ku salaysan tahay Qabiil iyo Qabiil kale oo u arka in laga sed bursaday, Waana Dad u badan Xoola Dhaqato, waxyaabahaas oo is biirsaday waxay fursad u noqdeen Kooxaha Xagjirka ah inay gabaad ka soo raadiyaan Somalia oo Istaraatiiji u ah Danahooda Argagixisanimo ee Gobalka. Waxay kaga faaiidaysteen Soomaalida inay uga dhigaan Fikradahooda Argagixisanimo mid Diineed, taasoo Soomaali badan ay ku kadsoomeen, inkastoo markii dambe la dareemay siday khatar ugu yihiin Kooxahaan Shareecadda Islaamka. Haddana waxa uu dareenkan yimid mar xeero iyo Fandhaal kala dhaceen oo ay ku xididaysteen Dalka, tiiyoo aysan waxba ka qaban Karin kuwii markii hore martigaliyay.
Nin ka mida Dadkii Martigaliyay Shaqsiyaadkii aasaasay Al-Shabaab, isla markaana gurigiisa ku hayn jiray iyadoo aysan cidina ku baraarugsanayn waxay higsanayaan raggan waxa uu maanta naf biday inuu Muqdisho ka cararo, ma tagi karo Gurigii isagu uu lahaa ee uu ku hayn jiray raggan, cabsi uu ka qabo iyaga. Waxayna taasi muujinaysaa sida uu qof kasta hadda uga qoomamaynayo gacantii uu siiyay Argagixisadan oo haddana uusan hadda waxba ka qaban Karin.
Qabiilku waxa uu ka mid yahay fursadaha ay kaga faaiidaysteen Somalia inay gabaad kaga helaan Argagixisaddu, waxayna taasi la xiriirtaa dhawr sababood, waa tan horee Shaqsiyaadka Soomaalidda ah ee soo horkacay Argagixisaddu waxay salka la galeen Qabiiladooda, waxayna u tusiyeen Qabaailkooda inaan lagu soo xadgudbin martidda ay magan galiyeen, waa tan xigtee waxay Qabiiladda qaarkood u arkeen inay martigaliyaan Argagixisadda inay u tahay Fursad ay Cudud ahaan kaga adkaan karaan Beelo kale oo ay is hayeen, halka Beelo kalana ay gadaal uga riixaan Argagixisadda inay ku gaaraan Ahdaaf ay higsanayaan. Waxaan meesha ka marnayn in Xagjiriinta Beelaha qaarkood ay u isticmaaleen Aargoosi Beel kale.
Intaas oo fursadood waxay u sahleen Argagixisaddu inay Somalia u noqoto Gabaad, waxayna dooriyeen Magicii Soomaali oo hadda markaad sheegato inaad tahay Soomaali adigoo ku safraya Caalamka, markiiba qofkaad u sheegtay ay ku soo dhacayso Argagixiso, Burcad Badeed iwm oo noqday Astaanta hadda Soomaali lagu garto ee ay noo badaleen kuwan Argagixisadda ah. Iyagoo ka faaiidaysanaya Fursadaas ay ka heleen Soomaali aan fahamsanayn halka ay noo wadaan Kooxahan waxay billaabeen inay sameeyaan wax kasta oo aan horay Soomaali loogu aqoon, waxay Caruurteenii aan ku soo tiil iyo tacab beelnay ka dhigeen kuwa loo soo abaabiyay Geeri, waxay Caruur badan ku qanciyeen Dhaqan aan horay Soomaali loogu aqoon oo ah inay isqarxiyaan (Barbaarinta Geeridda). Waxay u sheegeen inay galayaan Janno, taasoo aan qofina qof kale uga warami Karin inuu Janno galayo, waa Cilmi Alle ku kooban, laga rabo Qof kasta oo Muslim ah inuu la yimaado Acmaal Wanaagsan. Waxay taas badalkeeda u tusiyeen Caruurteena Afcaashii xumaa ee la xaaraan tinimeeyay inay ku gaarayaan Janno, Subxaanallaah, bal inteey ka keeneen is dil, Dad Muslimiin ahna soo xasuuq kadibna Jannaad galaysaa.
Kuma ekaan Somalia ee haddana waxay qatartoodii ku fidiyeen Dalalka Gobalka sida Kenya, Ethiopia, Jabuuti, Uganda iyo Dalal kale, waxay ugu yeereen Waddamadaasi inay iyaguna soo galaan Xuduudeena oo ay ku baacsadaan Al-Shabaab Gudaha Somalia, waxayna taasi keentay inuu mugdi galo Jiritaankeenii Soomaalinimo, waayo Waxay naga dhigeen Dal Xuduudiisu Bad iyo Bariba u furan tahay cid kasta inay kula faltamaan iyaga, sababtaasna waxay keentay inay muran gasho Badeenii iyo Xuduudeenii.
Al-Shabaab
Al-Shabaab waxay si rasmiya ugu biireen Alqaacidda Sannadkii 2012, waxyar kadib markii uu dhintay Osama Bin Laden. Waxayse Kooxdan soo waday Ficiladda ay ku dhiiragalinayso Alqaacidda inay aqbasho illaa iyo 2009-kii. Markaasoo Hogaamiyahoodii la dilay Axmad Godane uu u diray Bin Laden Fariin uu ku bogaadinayo, kuna codsanayo in la aqbalo. Wuxuuna Godane ahaa Shaqsi ku soo tababartay Afghanistan Dabayaaqadii Sagaashamaadkii, taasoo ka dhigaysay Godane inuu isku arko in isaga iyo Kooxdiisuba ay xaq u leeyihiin inay ka mid noqdaan Al-Qaacidda.
Inkastoo aysan isku biirin Al-Shabaab iyo Alqaacidda intii uu noolaa Binladen haddana waxay lahaayeen Dan ay ku midaysan yihiin iyo Iskaashi, Waxaana waqtigaasi ka joogay Somalia xubno muhiima oo ay ka mid ahaayeen Fazul Abdalla iyo Saalax Nabhaan oo labaduba siyaabo kala duwan loogu dilay Somalia.
Fazul waxa uu ahaa Ninka ugu sareeya Al-Qaacidda Bariga Afrika waxaana la aaminsan yahay inuu ahaa Shaqsigii ka hortaagnaa Al-Qaacidda inay aqbasho Alshabaab oo u arkayay Fazul inay tahay Koox aan la aamini Karin.
ISIS iyo Somalia
Innagoo la daalaa dhacayna dhibka naga haysta Alqaacidda ayeey soo baxday in ISIS ay u sii xuub siibanayaan Al-shabaab oo horay ula mataanaysnaa Alqaacidda. Waxaan maqli jiray annoo Habarteey ku dhiban ayaa Habarteey Habarteed keentay. Waxaa billowday Loolan ka dhex socda Kooxdii Al-Shabaab oo ay dhici karto inay u kala jabto labo Garab oo kala taabacsan Al-qaacidda iyo ISIS.
ISIS waxay isku dayaysaa I nay taageero ka dhex hesho Kooxda Al-Shabaab, waana wax iska caadiya in la fahmo Ajandaha ISIS ay u danaynayso taageeridda Kooxda Al-Shabaab oo ah Dhaqdhaqaaqa Argagixiso ee ugu wayn Bariga iyo Bartamaha Afrika. Waxayna ISIS horay u heshay taageeradda Kooxda BOKO HARAM ee Nigeria oo haysata illaa iyo 6,000 oo Dagaalamayaal ah iyo Dhul Badkiisu dhan yahay 20,000 KM, iyadoona ay tahay Kooxdaasi tan ugu wayn Argagixisadda Galbeedka Afrika.
ISIS oo isku boqortay Dawlad Islaami ah waxay doonaysaa inay isku fidiso Afrika oo aysan ku ekaan Syria iyo Ciraaq, Waxay horay saamayn ugu yeelatay Libya, kadibna Galbeedka Afrika ayeey u tallawday, haddana Bariga Afrika ayeey u soo hanqal taagaysaa. Taasoo haddii ay u hirgasho ka dhigaysa ISIS Koox Awoodeedu baahday, isla markaana afka ciidda u dirtay Kooxda Al-Qaacidda oo hoos u dhacday tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu Hogaanka Kooxdaasi la wareegay Wadaadka Masriga ah ee Ayman.
Al-Shabaab Hogaankeeda oo Beyca kula jira Al-Qaacidda waxay la daalaa dhacayaan inay meesha ka saaraan Dalabka ISIS iyo Danaynta Dagaalamayaashooda oo u hanqal taagaya inay ku biiraan ISIS oo ay u arkaan Koox Dhaqaale ahaan iyo Milatari ahaanba ka horaysa Al-Qaacidda. Waxayna Al-Shabaab dileen Horjoogayaal dhawr ah oo cadaystay inay ku biireen ISIS, halka kuwo badana aan la ogayn Raq iyo Ruux halka ay ku dambeeyeen. Sidoo kale Ajaaniibtii ka tirsanayd Al-shabaab ee lagu tuhmi karay inay danaynayaan ISIS waxay ku aruuriyeen Al-Shabaab Xabsiyo Qarsoodi ah oo ay dhici karto kadibna inteey kala baxeen inay dileen.
Halkeen ku soconaa
Waxaan haddaba hadda ku soconaa wali waddo inta wax garataa ay fahmi karto halka ay ku dhamaanayso taasoo ah in la waayo Dal la yiraahdo Somalia. Taas badalkeedana naloo bixiyo magacyo kale oo aan ka caroon doono maalin aanan waxba ka qaban Karin. Wayna dhacday haddaba sida markaad Google ku raadiso Somalia marka laguu sharaxayo laguugu micnaynayo Dal Argagixiso iyo Burcad Badeed caan ka ah. Waxaan gaari doonaa meel aan kuligeen Qaxooti noqon doono, Dalkeenuna uu baylah u noqon doono cid kasta haddii aysan Soomaalida Maanta garan Mashruuca ku socda ee Diinta loo ekeysiiyay.

Gunaanad
Somalia waa Dal in ka badan Rubuc Qarni ay ka jirto Fawdo Amni iyo Siyaasadeed, Waxaa u soo raacay 10 kii Sanno ee u dambaysay Fawdo Diimeed oo gaartay in Qof ka soo baxaya Masaajid la Dillo, iyadoo loogu qiil dayanayo inuu yahay Gaal. Waxayna Fawdadan Diimeed sii murjisay Xaaladdii Dalku uu ku sugnaa. Waxay Soomaali badan hadda welwel ka qabaan haddii ay rumowda Riyadda ISIS ee ah inay Somalia ka dagaalamaan waxa ka dhalan karo, iyadoo la ogyahay in Kooxdan ay ka sii arxan daran tahay Al-qaacidda oo ay Bini’aadamka marsiiso Ciqaabo ay ka mid yihiin inay gubto qof Nool.
W/Q:-C/casiis Maxamuud Guuleed “Afrika”

Share This: