Ma tahay Soomaali? Hubaal, waxaad tahay qofka ugu liita dunida!

Joogso! Nabigaagana ku Sali, waxba heyla dagaalin, hana caroonin. Waan

ogahay inaadan dulqaad badan lahayn oo aad Soomaali tahay. Bal adigoo

miyirqaba qoraalkeyga hoos u raac. Waan la socdaa inaadan jecleyn wax

aqrinta, kuguna adagtahay inaad dhameyso qoraal aad aqrintiisa bilowday,

sidaas darteed aniga hey eedin. Balse hadaad qoraalkan dhameysato, garashana

kugu harsantahay waan hubaa inaad ila garawsan doonto in aniga iyo adigaba

aanu nahay dadka ugu liita dunida.

Soomaali baad tahay sababtoo ah adigoo og dhibaatada ka jirta dalkaaga sida:

dagaalada, burburka, barakaca, gaajada, cudurada iyo kala qeybsanaanta.

Hadana waad hurudaa oo lurba kuma hayo, waadna isla qab weyn tahay oo

waxaad isku heysataa qof heybad sare leh. Weyna adagtahay inaad aqbasho

inaad tahay qofka ugu liita maanta ee aan dunida ku lahayn sharaf, magac,

muuq iyo mansab, ee isagoo hal qowmiyad ah qabyaalad darteed kun u kala

qeybsan, kaaga darane tallo iyo towfiiq aan ku heshiin karin!

Soomaali baad tahay sababtoo ah waxaad xoog u leedahay daadinta dhiiga

walaalkaa ama walaashaa, kamana xishootid ee waad ku faantaa. Kaaga darane,

waad yastaa dadkaaga sida dhaqaatiirta iyo aqoonyahanada Soomaalida, oo

waxaad qiimo badan u heysaa kuwa shisheeye ood aaminsan tahay in cilmi iyo

caqliba loo dhameeyey!

Soomaali baad tahay sababtoo ah markaad maqasho baddii iyo barigii

Soomaaliya waala qaatay, waad laabkacdaa, waxaana ku qaada qiiro oo adigoo

faruuryo qaniinsanaya ayaad ku catowdaa “Tol-Beeley”, waxaadna aflagaado

hawada u marisaa dowladaha dariska ee isku tashaday, madaxda dalkaagana ku

asteysaa inay dalkii iibsadeen!

Soomaali baad tahay sababtoo ah waxyar dabadeed, waabad iska ilowdaa wax

kastoo dhacay oo waxaad ku mashquushaa danahaaga iyo kan qoyskaaga.

Maalmaha fasaxana waxaad horey u qaadataa calanka maamulka beeshaada, oo

adigoo  xadreysan ayaad beesha heeso iyo suugaan u tirisaa!

Soomaali baad tahay sababtoo ah markaad la joogto dadka aan kugu qabiilka

ahayn, waxaad ku celcelisaa inaad tahay qof Soomaalida u siman tahay oo

qabyaalada neceb waddanina ah. Hadana qalbigaaga waxaa ka buuxa xiqdi iyo

qabyaalad gaamurtay, shirarka reerkana waxaad ku calaacashaa in beeshu

meesha ka kacdo, odoyada, haweenka iyo dhalinyaraduna ku guubaabisaa inay

iska kaashadaan danaha beesha, si beeshu u muuqato!

Soomaali baad tahay sababtoo ah hadaad maqasho in doorasho ka dhaceyso

dalka, waxaad meelaha la wareegtaa amaanta qofka u sharaxan beeshaada,

kuna sheegtaa halgame waddani ah oo mudan in la doorto. Ku darsoo, markii

wasiiro la magacaabo ama guddiyo la sameeyo waxaad durba website-yada ka

fiirisaa qabiiladooda, waxaadna jagooyinka sare ka raadisaa wax beeshaada u

dhashay adigoon isweydiin xirfada, aqoonta iyo dadnimadooda!

Soomaali baad tahay sababtoo ah haddii xil laguu dhiibo waxaad dhisataa daaro

dhaadheer, hantida umada gaajeysana waad ku takri fashaa, eex iyo ilmo

adeersina hoy baad u noqotaa. Kuna darsoo, markii xilka waqtigiisa dhamaado

ama lagaa qaadana waxaad mucaarad ku noqotaa dowlada, madaxdaadana ku

sheegtaa inay yihiin calooshood u shaqeystayaal dibada laga maamulo!

Soomaali baad tahay sababtoo ah hadaad damacdo inaad website-yada aqriso,

waxaad ku hormartaa kuwa beeshaada, waxaadna ku xijisaa kuwa had iyo

gooraale qora wararka colaada ah, isku dirka iyo jaa’ifada madaxda ama

dadyowga kale.

Soomaali baad tahay sababtoo ah hadaad aqriso ama laguu sheego warbixin

warbaahinta laga sii daayey adigoon waxba hubsan ayaad la jidbootaa, waxaana

goobaha la shirtagtaa wariye hebel baa sheegay ama website hebel baa qoray,

waxaadna jaa’ifeysaa dad aan waxba kuu dhibin. Maba ogid in weriye hebel uu

yahay adigoo kale, qabyaaladuna ku weyntahay, kaaga darane inuu magac iyo

manfac helo darteed waxkasta u sameyn karo!

Soomaali baad tahay sababtoo ah markaad aragto wadamada hormaray ood

garawsato in dadkooda  aysan lahayn qabiilo ee ay ku mideysan yihiin

wadaniyad, waxaad isku sheegtaa in Soomaalida aysan caqli badan lahayn oo

aysan ku waana qaadan waxii dhibaato lasoo maray, kuna dayan dadyowga

kale. Waxaadna iska dhaadhicisaa in haddii hogaamiye fiican oo waddani ah jiri

lahaa laga bixi lahaa dhibka. Nasiib daro waxaad ilowdaa in hogaamiye kasto oo

yimaada aad ku qiimeyso qabiilkiisa, hadduu kugu qolo yahayna aad sacabka u

garaacdo, haddii aanu ahayna aad caqabad ku noqoto si toosa ama si dadban!

Isku soo wada duub, intaas iyo in ka badan oon tiro laheynba waa astaan kuu

gooniya. Mana garawsatid gefkaaga oo waxaad isku heysataa inaad dadka ugu

saxantahay, lagaana heybeysto. Hana ku fekerin inaad isbadasho sababtoo ah

maba kaa dhaadheceyso, hadaad garwaaqsatana markey ugu badato  maalin

ama laba ayaad iscelcelinaysaa kadibna godkaagii ayaad ku dhici doontaa

Waxaa qoray

Abdullah Kullane

kala xiriir:

kullane46@gmail.com

Share This: