Muqdisho: Magaaladii Xudduudda.

W/Q Hassan Ali Dhaaley

Magaalada Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya, waana halka looga talinayay dalka muddo aad u fog, magaaladu waxay waqti ahayd caasimadaha ugu wanaagsan Qaaradda Afrika. 1991-kii markii dagaaladu ka curteen dhowr bilood kadib waxaa ay yeelatay xudduud kala barta dhexdeeda kadib markii dagaal qaraar uu dhex maray dadkii magaalada degenaa. Xudduudkaas ayaa loogu magac daray ‘Qadka cagaaran’ Magaca Qadka Cagaaran ayaa saameyn buuxda ku yeeshay quluubta shacabka, waxaana bilawday in shacabka qaarkiis ay walaac ama cidlo dareemaan marka ay u gudbaan dhanka kale.

Muqdisho waxay kaloo marti u noqotay dagaalo aan joogsi lahayn, dhaawacyada, dilalka iyo dhaca ayaa maalinba maalinta xigta sii kordhayay, dadka caadiga ahi waxay dareemeen jahwareer kii ugu weynaa, waxaa Su’aal laga jawaabi waayay noqotay sida loo maareyn karo dhibaatada joogtada noqotay! Taasoo si walba oo la yeelo loo caal waayay. Labada Xudduud ee loo qeybiyay magaalada Muqdisho horraantii sagaashamaadkii ayaa mid walba dhexdiisa waxaa ka abuurmay xudduudo yar yar oo xaafadba xaafadda kale ayay u gudbi weysay, waxaa cirka isku shareeray cakirnaan dhanka nolosha ah, qof walba waxaa uu ku soo koobmay xaafaddiisa, waxayna quus sii gelisay dadkii yaraa ee micnaha nolosha u arkayay dowladnimada.

Abuuritaanka xudduudaha waxaa si fiican uga qeyb qaatay hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho, kuwaasoo ninba xaafado iska ootay. Qof kasta oo xaafad kale u tillaaba waxaa uu dib u soo laabanayay isagoo la moodo inuu ka soo samata baxay dhul shisheeye oo cadaw badan uu ku lahaa. Isla xudduuddii xaafadaha ee hogaamiyeyaasha kooxaha ayaa u sii xuubsiibatay isbaarooyin, iyadoo wixii ka shisheeya masaafada u dhaxeysa labada isbaaro ay xudduud cusub noqotay. Dadka Muqdisho waxay sheegaan in Curashadii kacaankii Maxaakiimta Islaamiga ah ee bilowgii sanadkii 2006-da ay qeyb weyn ka qaateen isku furidda Caasimadda iyo Gobolada dalka, taasoo sahal ka dhigtay inay kulmaan Saaxiibo iyo ehel la kala ootay muddo dheer, iyadoo is dhexgal ka madax bannaan xudduud uu si rasmi ah u bilowday. Dadka qaarkiis ayaa waqtigaas dareemay qiimaha nabadda halka kuwa xilligii dowladdii dhexe la soo shaqeeyay ama wax ka ogaa qiimaha dowladnimadana ay dareemeen sansaan nabadeed. Hase ahaatee Imaanshihii Ciidamada Itoobiya dabayaaqadii 2006-da ayaa abuuray kala qoqobnaan bulshadeed iyo xudduudo cusub kadib markii ay madaafiic ku garaaceen meel walba oo magaalada iyo dulleedkeeda ah, waxay dileen kumanaan shacab ah, waxay barakiciyeen boqollaal kun oo dadweyne ah, balse xudduudda ay abuureen Itoobiyaanku waxayd ahayd xudduud dhulka ah laakiin shacabka Muqdisho qalbiyadoodu xudduud ma lahayn oo meel walba ayay iskula qaxeen, waxayna dareemayeen hal dhib oo guud oo ay wada wadaagayeen. Dowladda Itoobiya maalintaas xudduud dhuleedkii ay ka abuurtay Muqdisho ayaa gaaray in Caasimadda oo dhan ay la xannuunsato xudduudo cusub oo si walba iyo dhan walba ka duwan kuwii hore.

Ciidamada Itoobiya waxay qabsadeen dhul badan oo magaalada ah iyo welibana gobollada, Ururkii Maxaakiimta Islaamka oo gacan ka helayay shacabkana waxaa jiray dhul ay maamulayeen maalin ama habeenkiiba, waxaa kaloo iyaguna xaafad gaar ah maamulayay ciidamadii dowladda ee dowladdii Cabdulaahi Yuusuf. Weli waxaa muuqatay in ay jiraan xudduudo cusub oo soo badanayay. Ciidamada Midowga Afrika ayaa iyaguna bilaabay inay dhankooda qabsadaan dhulka gaar u ah markaasoo ay dagaal kula jireen ururka ka soo go’ay Maxaakiimta Islaamiga ee Al-Shabaab isla waqtigaas Dowladdii Sheekh Shariif ayaa iyaduna meelo mucayin ah ka heysatay magaalada Muqdisho gaar ahaan waxay heysteen waddada Maka Al-mukarama, wixii dhanka waqooyi ee waddada ka ahna waxaa ka bilaabanayay xudduudka Al-Shabaab ay ku lahayd Muqdisho.

Magaalada Muqdisho Cudurka ku dhacay ee u kala qeybinta xudduudaha ayaa ku faafay gobollo badan oo dalka ah, waxaana la aaminsan yahay in dhiirigelinta ugu badan ee xudduudaha markii dambe uu qeyb libaax ka qaatay nidaamka federaalka oo la isku raacay in dalka laga hirgeliyo sanadkii 2004-tii oo lagu yagleelay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Hadda masaafadii xudduudaha Muqdisho aad ayay u soo yaraadeen, Hotel walba hostiisu waa xudduud, wasaarad walba horteedu waa xudduud oo dhagxaan baa taala muujineysa in goobta xudduud ka bilowdo ama ku dhammaado! Waxaa xudduud loo sameeyay goob walba oo aan si kalsooni leh goobta kale ugu gudbi karin, Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ayaa gundhig u ah xudduudada sameysmay. Madaxtooyada Soomaaliya waxay difaac kaga jirtaa dhismayaasha ka soo horjeeda oo dhan, waxayna leedahay xudduudo lagu koontaroolo qofka doonaya inuu galo. Qof kasta oo ku nool Degmooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir Xudduudku waxaa uu uga soo bilaawdaa albaabka Guriggiisa, tilaabada xigtana waxaa uu gelayaa xudduudo kale xittaa guriga kaa soo horjeeda ayaa xudduud gaar ah leh. Qofka subaxdii shaqo tegaya ama ehel soo booqanaya waxaa uu soo guryo noqdaa isagoo rumeysan inuu maanta soo badbaaday waayo wuxuu og yahay inuu xadkiisii gudbay. Waxaad Qabtaa marwalba kalsooni darro dhanka ammaanka ah. Waa hubaal inay Muqdisho ka jiraan Dadaalo la xiriira amaanka hase yeeshee waxay u muuqdaan kuwo tafaariikh ah, waxaa loo baahan yahay in la mideeyo oo la isku furo xudduudaha jira oo dhan marka laga reebo labada xarumood ee magaalada laga soo galo. Waxaan ka cabsi qabaa in qofka Caasimadda ama Gobolada dalka ku nool in xudduudku uu marka dambe deris la noqdo nafsaddiisa oo la arko isagoo xubnihiisa qaar ka shakinaya haddii aan si degdeg ah arimaha nabadgelyada wax looga qaban ama qof walba uusan hortiisa dhiganin xoogaa dhagxaan ah si uu u muujiyo xudduudka uu leeyahay.

W/Q Hassan Ali Dhaaley

Share This: