Kooxda Real Madrid Oo Record Cusub ku soo kordhisay koobka Champions League

Kooxda Kubada Cagta Real Madrid oo Xalay Xaqiijisey in ay u soo baxeen Semifinalka koobka Horyaalada yurub Waxaa la leeyahay waxa ay koobkaan ku soo siyaadiyeen Record Cusub.

Real Madrid ayaa noqotey kooxdii ugu Horeysey oo 6 Xili Cayaareed oo isku Xigta u soo baxda Wareega Afar dhamaadka koobka Champions League Waxayna sidaa samaysey markii ay 3-0 ku garaaceen Naadiga Wolfsburg Waxaana Sadexda Goolba Saxiixay Ronaldo.

Macalinka Real Madrid Zinedine Zidane ayaa helay Kalsoonida Taageerayaasha Naadigiisa Waxaana macquul ah sida lasheegay in uu sii ahaado Macalinka Kooxda sidoo kale Ninka dalka France ee Zodane ayaa aad ugu farxay Guusha weyn ee uu Xalay taas oo lagu tilmaamay midii ugu Fiicneyd inta yar ee uu Macalinka u yahay Real Madrid.

Share This: