Kulankii Man City iyo PSG Oo Laga Diiwaan Geliyey Rikoor Cusub

Kadib Guushii Taariikhiga ahayd ee ay Gaartay Manchester City una soo baxday Markii u horeysey Taariikhada Koobka Horyaalada yurub Semifinalkiisa ayaa Waxaa lasoo Saaray Lix Wax yaabood oo laga diiwaan geliyey Kulankaas.

Hadaba Maxay kala yihiin 6 daas Wax yaabod?

1 Manchester City ayaa noqotey kooxdii 10 aad ee Ingiriis ah ee soo Gaarta Semifinalka koobka Champions League/European Cup Waxaana Ka horeeyey oo horay u dheeley Semifinal kooxaha kala ah Arsenal, Aston Villa, Chelsea, Derby, Leeds, Liverpool, Manchester United, Nottingham Forest iyo Tottenham).

2 Manchester City ayaa noqotey Naadigii 4 aad ee Engalnd ah ee soo Gaara Semifinal tan iyo 2010 -2011 Waxaana Horay u soo gaaray  (Manchester United 2010-11, Chelsea 2011-12, Chelsea 2013-14).

3 Sergio Aguero ayaa khasaariyey 2 ka mid ah Sadexdii Rigoore ee ugu dambeysey ee Koobka Horyaalada yurub loo dhigay Man City.

4 Kevin de Bruyne ayaa ku lug yeeshey 27 Gool oo Man City dhalisay Xiligaan Waxaana uu dhaliyey 15 Gool halka uu dhiibay 12.

5 PSG ayaa Markii afraad oo Xiriir ah lagu reebay Wareega Sideeda koobka Champions League.

6 PSG ayaa Hal Mar oo kaliya ka badisay Kooxaha Engalnd kulamdii ay kula dheeshey Gurigooda Waxaana laga badiyey 4 Mar halka 3 ay bareejo gashay.

Share This: