Bayern Munich Oo Champions League Laga Reebay

Kooxda Kubada Cagta Bayern Munich ayaa lasimantay Record Horay ugu yaalay Naadiga dalka England Manchester United koobka Champions League,ka dib markii ay ku badiyeen Garoonkooda 12 kulan oo Xiriir ah.

‘Bayern Munich oo Guul ka Gaartay Kulankii ay xalay la dheeleen Naadiga Spain ee Atletico Madrid,ayaa Cayaartaas in kastoo ay uga Hareen koobkii hadana Waxay ahayd mid ay kula Sinmeen Manchester United oo horay Garoonkeeda ugu badisay 12 Cayaarood oo Xiriir ah koobka Champions League.

Naadiga uu Hogaamiyo Macalin Pep Guardiola ayaa lagu Reebay garoonkooda iyaga oo badiyey Maadaama lugtii hore lagu soo Garaacay 1-0 Markii ay ku badiyeen 2-1 na Waa isaga hareen Champions League.

Share This: