Hordhaca Group F Ee Champions League: Real Madrid & Borussia Dortmund Oo Caawa U Tartamaya Hogaanka Group-ka.

2399132_biglandscapeReal Madrid v Legia Warsaw

Garoonka: Santiago Bernabeu

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Garsoore: Ruddy Buquet (France)

Kooxda Real Madrid ayaa wadada guusha ku soo laabatay isbuucaan ka dib afar kulan oo isku xigta oo ay barbaro galeen tartamada oo dhan iyagoo 6-1 ku xasuuqay kooxda Real Betis horyaalka La Liga, tababare Zidane ayaase ka digay inay ciyaartoydiisa guushaas israaciyaan.

Kooxda difaacaneysa koobkaan ee Real Madrid iyo Borussia Dortmund oo barbaro 2-2 ah galay kulankii ugu danbeeyay ee Group F ayaa ku dagaalamaya caawa kaalinta koowaad ee Group-ka iyadoo Real Madrid ay Bernabeu ku soo dhaweyneyso kooxda Leiga Warsaw, halka Borussia Dortmund ay u safreyso kooxda Portugal iyagoo wajahaya kooxda Sporting Lisbon.

Real iyo Dortmund ayaa min afar dhibcood leh ka dib labo kulan oo la ciyaaray, halka Sporting ay leeyihiin seddex dhibcood, Leiga Warsaw wax dhibic ah ma lahan.

Madrid lagama badinin 22 kulan tartamada oo dhan, halka Legia Warsaw laga badiyay shan ka mid ah todobadii kulan ee ugu danbeysay ee ay ciyaareen. Cristiano Ronaldo ayaana ku dhow inuu gaaro goolashiisii 100aad ee Champions League isagoo haatan dhaliyay 98 gool.

Madrid ayaa badisay todobo kulan oo isku xigta oo ay gurigooda ku ciyaareen Champions League, halka 21 sannadood laga joogo markii ugu danbeysay ee ay Legia guul ka gaarto Champions League.

MAXAA KA CUSUB?

James Rodriguez ayaa ku soo laabtay shaxda Real Madrid ka dib markii uu dhaawac ku seegay labadii kulan ee ugu danbeysay horyaalka, laakiin waxaa weli ka maqan Sergio Ramos iyo Luka Modric oo dhaawacyo jilibka ah qaba, halka Casemiro uu ku maqan yahay dhaawac lugta ah, iyadoo Coentrao uu isna weli ka soo kabsanayo dhaawac muruqa ah.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Share This: