FALANQEYN XASAASI AH: Rajadii DAMU JADIID ee xubnaha Aqalka Sare Puntland, Miyay hirgashay Mise…?

Pro_Xasan_Shekh_Mohamud-620x330-300x159Shaki ma saarna in ay kooxda Damu Jadiid ee uu hogaamiyo Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud dadaal dheer iyo galaangal siyaasaded oo xoog badan ku lahayd soo bixitaanka Shaqsiyaad ay doonayeen in ay ku yeeshaan ka mid noqoshada xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya gobalada Puntland oo ay Culeys siyaasadeed saarayeen.

Falanqeymaha siyaasadeed ee laga bixiyey xubnaha Musharaxiinta u ahaa Aqalka Sare ayaa lagu sifeeyey in soo bixidii Liiskan ay guuldarro Siyaasadeed oo xoog leh kala kulantay Kooxda DAMU JADIID, waxayna wateen shaqsiyaad gaar ah oo aan ku soo bixin ugu horeyba sida la sheegay Liiska xubnaha Aqalka Sare ee dawladda faderaalka u matali lahaa gobaada Puntland.

Doorashadii Garoowe ka dhacday 20 October 2016, waxay quus-galisey rajadii kooxdaas ay ka qabtay in ay markale ku soo laabtaan Kursiga Madaxtinimada ee Soomaaliya.

Saraakiil ku dhaw dhaw Villa Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in ay Madaxtooyadu si toos ah u daawanayeen doorashadan, gaar ahaana qeybihii hore oo ay saadalinayeen sida loolanka ugu adag u dhici doono.

DAMU JADIID kuraasta ay sida gaarka ah diirada ugu hayeen waxaa kamid ahaa Kuraasta ay ku soo baxeen Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Sh Maxamed Maxamuud Faroole oo guul taariikhi ah ka gaaray madashii shalay, markii uu helay 59 cod iyo Raysalwasaare Sharmaake, oo labaduba kamid ah shaqsiyaadka aysan aragtidooda la dhacsaneyn DAMU JADIID ama ay u arkayaan kuwa fahamsan dhibaatada ay ku hayaan Soomaaliya.

Shaki ma saarneyn in guusha Dr Faroole & RW Sharmaake ay dhabar jab weyn ku tahay barnaamijka loogu magac-daray QABYO-TIRKA QORSHAHA QARANKA ee Kooxda Madaxweynihii hore ee dawladda Soomaaliya, uu ku doonayo in uu markale ku hogaamiyo Soomaaliya.

Siyaasiinta rog-roga ama falanqeeya Siyaasada Soomaalida ayaa rumeysan in doorashadii Garoowe ay quus galisey kooxda Villa Soomaaliya, ayna sidaas oo kale u tahay jabkii labaad, markii shaqsiyaad ay lacag iyo waqtiba galiyeen looga guuleystay doorashadii magaalada Kismaayo ka dhacday.

Senatorada cusub ee ka imaanaya Puntland waxay gaarayaa 11 xubnood oo ay sadex ka mid ah yihiin Haween ku dhiiran Nidaamka faderaalka oo ay Soomaaliya qaadatay, waxaana la rumeysan yahay in Rug-cadayaal Siyaasadeed oo uu horboodayo Madaxweyne Faroole ay udub-dhexaad u yihiin in aan mar kale lagu xadgudubin habka wadaaga Deeqaha Caalamku siiyo Soomaaliya.

Yadadiilo cusub ayaa soo galay Shacabka Puntland, inkastoo aysan dad badan soo dhaweyn Natiijadii kursiga Jen, Morgan & Rug-cadaa Bootaan Barre Samatar, haddana waxay rumeysan yihiin in Natiijadu aysan labada Musharaxba ka wada farxiseen, taas oo dadka soo xasuusisey Tartamo badan oo lagu galay Hoolka baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaana Tii Prof Jurille Khatarta ku galay & Doorashadii La amaanay 2014-kii ka dhacday Puntland.

Biseyl Siyaasadeed oo aan la-loodin karin ayay u ahayd Puntland doorashooyinka noocan oo kale ah, kuwaas oo sahli doona in ay dadku si deg deg ah ku aqbalaan Natiijo kasta oo soo baxda, waxaana lafilayaa in Hardan oo Siyaasadeed uu ka bilaaban doono gudaha Muqdisho, maadaama Musharaxiinta sanadkan ay ka mid yihiin RW Sharmaake & Madaxweyne Faroole.

Share This: