Ciidamada Itoobiya oo Saaka iskaga baxay Degmada Tiyeeglow

itoobiyaan-300x288-70x70Ciidamada Itoobiya ayaa Saaka iskaga baxay Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool,waxaana la sheegay in ay Dib ugu laabteen Wadanka Itoobiya.

Sidoo kale Maamulkii Degmada iyo Siyaasiyiin ku sugnaa Degmada Tiyeeglow ayaa horay u raacay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee iskaga baxay Tiyeeglow.

Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale la sheegay in ay ka baxayaan Hiiraan iyo Galgaduud qeynaha ay ka joogaan.

Dadka ku nool Degmooyinka ay ka baxayaan Ciidamada Itoobiya ayaa Cabsi ka qaba in Al-shabaab ay Bartilmaameedsadaan islamarkaana Dhibaato loo geysto.

Share This: