Madaxweynaha Maamulka Puntland oo kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada (SAWIRRO)

img_9362-640x427Madaxweynaha Dawladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galinkii danbe ee shalay waxa uu la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan maamulkaas, waxa uuna kala hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, horumarka dhaqaalaha, iyo sidoo kale sidii si wada jira ah looga shaqeyn lahaa midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, si dalka looga samata bixiyo xaalada kala guurka ah ee uu ku jiro.

Madaxweynaha ayaa kulankiisa waxaa ku wehliyay gudoomiha Gobolka Barri, mudane Yuusuf Maxamed Wacays “Dhedo”, Duqa degmada Bosaaso Egn. Yasiin, Ku xigeenkiisa iyo Saraakiil ka tirsan madaxtooyada maamulka Puntland.

Mudane Cabdiwali Cali Maxamed “Gaas” ayaa kulanka intii uu socday waxa uu sharaxaad kooban ka bixiyey dhamystirka wejiga labaad ee garoonka diyaaradaha ee magalada Bosaaso, balaarinta dekeda magalada Boosaaso, mashruuca biyo gelinta ee magalada Bosaaso, dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dayactirka wadada Garoowe-Gaalkacayo iyo garoonka diyaradaha ee magalada Garoowe oo heer gebogebo ah maraya.

Dhanka kale, Isimadii, cuqashii, waxgaradka iyo aqoon yahannadii kulanka ka qeyb gashay ayaa dhankooda waxa ay si weyn u soo dhoweeyeen kulanka xog warranka ah ee ay madaxweynaha la yeesheen, waxa ayna sheegeen in ay diyaar u yihiin ka qayb qaadashada horumarka iyo midnimada ka hanaqaaday deegaannada maamulka Puntland.

Ugu danbayn madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isimadii, cuqashii iyo waxgaradkii kulan ka kasoo qayb galay uga mahad celiyey ka soo qayb galka kulanka waxa uuna kula dardaarmay in la xoojiyo ahmiyada ay leedahay xasiloonida, nabadgalyada iyo horumarinta dhaqaalaha iyo looga baxo gaajada iyo abaaraha baahsan ee ka jira qaarka ka mid ah deegaannada Maamulka Puntland.

img_9347

img_9357

img_9362

img_9366

img_9385

img_9399

img_9403

img_9437

img_9466

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Maamulka Puntland.

Share This: