Naadi Premier League oo dhibco looga Jari doono Warqad Bangi oo been abuur ah oo ay Samaysteen

watford-v-chelsea-premier-leagueMid ka mid ah kooxaha Xiligaan ka dheela Horyaalka  Premier League  ayaa ku qasbanaan doonta in ay aqbasho Ganaax looga jarayo qaar ka mid ah dhibcaha ay shaqaysatay Xiligaan kadib markii lagu helay Cadayn Warqad Bangi oo been abuur ah oo ay Samaysteen.

Maamulka Naadiga Watford ayaa Cadeeyey in ay aqbali doonaan Ganaaxa dhibcaha looga jari doono Waxaase ,Madaxweynaha Xiligaan ee Watford Raffaele Riva uu ku doodayaa in maamulkii isaga ka horeeyey ay Sameeyeen fadeexada ku soo baxday Kooxdiisa.

Maareeyihii Cayaaraha Naadiga Watford  Gino Pozzo ayaa lasheegayaa in uu Sanadkii 2014 kii Samaystey Warqad Bangi oo been abuur ah Taas oo ay Kutaalay lacag dhan  £7 million Waxa uuna uga danlahaa sida lasheegay in uu dhaqaalaha kooxda kor u soo qaado si loogu ogolaado in ay dheeleen Horyaalka Heerka labaad oo ay Xiligaa ka Cayaarayeen.

watford-v-chelsea-premier-league

Share This: