DAAWO: Dalal Caan ah oo aqbalay Baasaboorka SOMALIA & Taliye koofi oo xog Cusub bixiyay..

downloadTaliyaha Hay’ada Laanta Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dawlada Soomaaliya Maxamed Aadan (Koofi) ayaa sheegay inay Wadamada Caalamka Kala hadleen sidii Baasaboorka Soomaaliga Loogu tagi lahaa dhamaantood, Wuxuuna sheegay inay kulamo la yeesheen Dawlado badan oo dood qabay, Sidoo kalana waxaa la magacaabay dad Khubaro ah.

Taliye Koofi ayaa wuxuu sheegay in la wada qaatay Inuu Baasaboorka Soomaaligu yahay mid lagu Kalsoonaan Karo, wuxuuna hada sheegay in wax laga qaban doono Qaabka lagu Bixiyo Baasaboorka, Wuxuuna shacabka Soomaaliyeed Ugu baaqay inay u dul qaataan Shuruudaha adag ee Sharciga, Taasi oo keeni doona in Meel kasta lagu Tago Baasaboorka.

 

Share This: