Maxaad ka taqaanaa qoraha Qaadisiya.com

14947832_10154703576414583_8584625789646322457_nCabdi Raxiim Ciisse Cadow wuxuu ka mid ahaan jiray kooxahii isbaarada u ooli jirtay degaanka Sii Sii ee markii dambe la koox noqday hogaamiyahii qaalaaga ahaa ee Saalax Baroonshe,kuna lahaa degaankaas garaashka weyn ee lagu qalo gaadiidka laga dhaco Muqdisho.
Cabdi Raxiim Ciisse Cadow oo iminka ah qoraha Website-ka Qaadisiya.comwuxuu Saalax Baroonshe u noqday madaxa Sirdoonka isagoo si gaara ugu shaqo lahaa soo gudbinta xogag la xiriira dadka lacagta heysta ee la afduubo si madax furasho looga qaado.
Aqoonyahanadii uu Cabdi Raxiim Ciisse Cadow wax ka afduubay waxaa laga xusi karaa Dr Cabdi Samad Xasan Haye,Dr Kutub iyo dhaqaatiir kale oo aad u badan.
Xilligii Maxkamadaha ayuu go-aansaday inuu ka baxo Mooryaanimada qayilaada iyo qiiqa sigaarka ku dhisan waxaana raggii tashkiiliyay ka mid ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay xigta yihiin,ilaah khayr haka siiyee.
Cabdi Raxiim Ciisse Cadow xilligii Maxkamadaha wuxuu noqday nin laba lafooda oo dheer,gar weyna waa uu deystay isagoo markii uu cunista qaadka joojiyay aad u naaxay jir ahaan.
Cabdi Raxiim Ciisse wuxuu ahaa nin haabaana oo inta badan qaato qoriga faalka loo yaqaan hasse yeeshee wuxuu dhaqaale fiican ka helay dilkii uu la beegsaday gabadhii BBC-da ee Kate Payton taas oo ay agagaarka Hotel Saxaafi ku toogteen afar ruux oo uu isaga ka mid ahaa.
Cabdi Raxiim wuxuu ilaalo gaara u noqday Sheekh Shariif laakiin dhinaca kale wuxuu la shaqeeynayay Aadan Xaashi Cayroow iyo kooxaha argagixisada Caalamiga ku xiran taas oo ka dhigtay nin muhiima.
Cabdi Raxiim wuxuu Dukaanka Rowda Electronic ka iibsaday MP3 iyo wax la mida kadibna wuxuuna sidoo kale Beder Electronics ka iibsaday Kaamira digital ah isagoo guda galay inuu Wariyaal u sameeyo website uu hal abuuray oo uu ugu magacdaray qaadisiya.
Website-ka wuxuu mashruuc dhaqaale kaga qaatay Maxkamadahii Islaamka ee afka ciida loo daray ,waxaana wax la qori jiray rag badan.
Mr Cabdi Raxiim Ciisse waxay marada kaga dhacday qorshe la ogaaday oo uu ku qaarijiyay sawirqaade Swedesh ah maalin cadeey xilli fagaaraha tarabuunka ay ka socdeen banaanbaxyo lagu diidanaa Itoobiyaanka.
Inkastoo Cabdi Raxiim gacan weyn ka geystay dilal badan oo lagu qaarijiyay madax laga xusi karo Agaasimaha Hay’ada CRD Dr Cabduqaadir Yaxye,hadana sawiradiisa iyo sheekadaan xasaasigaaga waxaad kaga bogan doontaa qeybta 2-aad ee taxanaha.
FG: Ujeedkeygu wuxuu yahay inaan shaaciyo Cabdi Raxiim gabdha badan oo uu fara xumeeyay waqtiyadiisii Mooryaanimada iyadoo gabdhahaas Soomaaliyeed qaarkood wali faraxumeyntii saameeyn ku leedahay
La soco qaybta 2 aad iyo Muuqaaladda Gabdhihii uu fara xumeeyay

Share This: