Xog Xasaasiya: GACAN KU DHIIGLE GABBAAD

kadib dhicitaankii dowladii kacaanka oo dalkeena ay ka dhaceen dagaalo sokeeyo oo ugu dambeyntii

hogaamiye_yaasha Soomaalidu ay saxiixeen heshiis Dib loogu yagleelayo dowlad dhexe,islamarkaana dalalka Jabuuti iyo Kenya lagu soo dhisay dowlado KMG ah ayaa waxaa meesha ka baxay dagaaladii qabaa’ilka ee ay

hogaamiye_yaasha geed fadhiga u ahaayen,hase ahaatee waxaa taasi ay fursad siisay kooxo argagaxiso ah oo magaalada Muqdisho ka bilaabay dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Sanadihii 2006 dii ilaa hadda oo ay dalkeena ka socdaa ugaarsi dabar goyn ah ayaa waxaa shakhsiyaadka ku Lugta leh qaarkood ay weli isku qarinayaan hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya,ka sokow kooxihii hogaaminayay

ee Dib u heshiisiinta qaatay oo aanay jirin shakhsiyaad dilkooda si gaar ah loogu tuhmayo ayaa hadana waxaa jira rag dilal bareer ah iyo qaraxyo ku khaarajiyay shakhsiyaad muhiim u ahaa dalkeena kuwaasoo laf dhabar u ahaa

dowladnimada Soomaaliya.
Xiligan oo dalku leeyahay dowlad rasmi ah oo aan KMG aheyn waxaa muuqanaya ifafaalo garsoor cadaalad ah oo

dacwooyinkooda la horgeyn karo shakhsiyaadka dowladda ku dhex dhuumanaya,balse ehelka mowtada la xasuuqay iyo dhibanayaasha ka haray shirqooladaasi ay garwaaqsanyihiin dambiyadii laga galay iyo shakhsiyaadka ka galay.

Abdirahim Isse waxa uu ka tirsanaa raga hagayay howlgalada uurdooxnimada ah. islamarkanaa ahaa afhayeenka howlgalada oo si toos ah warbaahinta uga qiran jiray falalkaasi,hadda waxa uu katirsanyahay wasaaradda

warfaafinta oo uu ku yahay cadaalad suge ay dhici karto saacad walba in garsoor la horgeeyo.
Ka sokow dadka dagaalka uu ku dilay waxa uu shirqool abaabulan ku khaarajiyay magacyada dadka hoos ku xusan oo uu si toos ah warbaahinta uga qirtay,codadkiisana la hayo si ay Evidence ugu noqdaan xiliga maxkamada la soo taago.

1_Cabdirizak Warsame Gaadaco wariye ka tirsanaa idaacadda Shabelle.
2_Col.Galjecelow oo ahaa Taliyahii la dagaalanka argagaxisada oo Km4 lagu dilay
3_Cabaas Maxamed Ducaale afhayeenkii Ganacsatada G/banaadir
4_Bashiir Nuur Geedi- Gud Shabelle.
5_Muuse warsame Tawane oo ahaa sarkaal wasaarada gashandhiga lagu dilay.
6_Col.Nuur Xiirey taliyihii guutada 15aad XDS.
7_dhaawicii afhayeen Xuseen Xuubsired
8_xaaji Cumar Cali Gabobe gudomiyihii Dayniile
9_wariye Abdihakim Omar jimcale oo lagu dhawaan Maanabooliyo.
10_wariye Kate Peyton oo u shaqeyneysay BBC
11_wariye Martin Adler oo ah suxufi u dhashay dalka Sweden
12_Cabaas Galeyr afhayeenkii G/banaadir
13_Mohamed Muxudiin cali afhayeenkii G/banaadir
14_xer ilaaliyihii maxkamadda gobolka
15 _general Jilicow oo uu ku dilay Suuq Bacaad.
16_ Xasan Cadde-Gud Ku Xigeen Yaaqshiid
Iyo shakhsiyaad kale liiskanse waa ehelada ilaa hadda diyaarka u ah iney maxkamad la fuulaan ama ay si toos ah uga abaal mariyaan gabood falladii uu magaca diineed ku geystay Abdirahim Ciise Cadow oo aan laheyn aqoon diineed iyo mid maadi ah intaba,hase yeeshee weli ah GACAN KU DHIIGLE Gabaad ka dhex dhiganaya Dawladda

Share This: