WAR DEG DEG AH : XILDHIBAAN GOODAX OO KA GUULEESTAY MUSHARAX AY WADATAY VILLA SOMALIA IYO RASAAS BADAN OO…

goodaxWaxaa goordhaw magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle ka dhacday doorasho aad u adkeyd si weyna loo wada sugayay, waxaana doorashadan ku tartamayay labo Musharax oo kasoo jeeda Beesha Xawaadle gaar ahaan jufada Agoon.

Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre oo si weyn mucaarad ugu ahaa dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo baxay Doorashada ka dhacday magaalada Jowhar, kadib markii wareegii labaad uu doorashada kaga guuleestay Musharax ay wadatay Madaxtooyada Soomaaliya..

Guddiga Doorashada Dadban ayaa shaaciyay in Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre ku guuleestay doorashada ka dhacday magaalada Jowhar , waxaana kahor doorashada inta aysan dhicin hoolka ka taagnaa khilaaf iyo buuq xoogan oo ka dhalatay doorashada kursigan.

Markii la shaaciyay Guusha Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre ayaa dabaal degyo waa weyn laga dareemay qeybo kamid ah magaalada Jowhar iyo magaalada Blaadweyne, waxaana Baladweyne si weyn looga maqlay rasaas aad u xoogan oo loogu dabaal degayo guusha Xildhibaan Goodax.

Shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne ayaa si weyn u taageersanaa Xildhibaan Cabdulaagi Goodax Barre oo horey ula saftay Ugaaska Beesha Xawadale, waxaana guusha uu gaaray Goodax aanan ku farxin Madaxtooyada Soomaaliya oo kasoo horjeeday in kursigan uu kusoo baxo.

Share This: