Tag Archives: slider

american-flag

Maraykanka oo walaac ka muujiyay Musuqa hareeyay Doorashooyinka Galmudug.

Dawladda Maraykanka ayaa qoraal rasmiya oo ay u soo dirtay Madaxwaynaha Galmudug, C/kariiin Xuseen Guuleed waxay walaac kaga muujisay Doorashooyinka Galmudug. Waxaana qoraalkaasi si gaar ah loogu xusay in awood ciidan uu u adeegsaday Taliyaha NISA, Gen Gaafoow inuu Walaalkiis ku soo baxo Xildhibaan. iyadoo sidoo kalana la xir xiray Murashixiin uu ka mid yahay Wasiir ka tirsan Galmudug oo jirdil loo gaystay.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa isna lagu eedeeyay inuu qortay Ergo been ah oo ay ku jiraan Illaaladiisa. sidoo kalana laga hor istaagay haweenay la tartami lahayd inay tartanto.

Akhri QOraalka Maraykanka

usa1 usa2

Masuuliyiiinta la eedeeyay iyo Maamulka Galmudug ayaan jawaab ka bixin illaa iyo hadda Qoraalka Dawladda Maraykanka.

Share This:

gacan

A lady raped by former radio Mogadishu director on video

Share This:

Daawo Gabar Soomaaliyeed oo uu kufsaday C/raxiin Ciise Cadoow oo ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta.

Share This:

faaruuk

Over 300 delegates attending IFJ world congress marched through the city streets of Angers

faaruuk wariyayaal

Over 300 delegates attending IFJ world congress marched through the city streets of Angers, France, today to commemorate journalists killed in the exercise of their profession. Delegates laid a white rose in front of the commemorative plaque for French journalist Camille Lepage, who was killed on 12 May 2014 in the Central African Republic (CAR). Murder of young female journalist from Somalia, Sagal Salad Osman, was also commemorated.

Share This:

faaruuk

In ka badan 300 oo suxufiyiin ah oo Boroor-diiq u Sameeyay Weriye Sagal Salaad Cismaan ( Sawiro)

wariyayaal

In ka badan 300 oo ergo suxufiyiina  oo ka kala socota  dunida  kuwaa oo ka qayb galaya shir  IFJ ee ka socda dalkaasi Faranasiiska gaar ahaan Magaalada Angers ayaa  kulan socod ku maray waddooyinka magaalada kuwaasi oo sita sawirka Weriye Sagal Osman Salad

Socodkaas ayaa waxaa hor kacayay Xoghayaha guud ee  ururka Suxufiyiinta Qaranaka Soomaaliyeed Omar , waxaa sidoo kalena iyadna la xusuusanayaa  Saxafiyad  Faransiis  ah oo lagu magacaabo Camille Lepage, oo la dilay 12kii May 2014 ee Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (CAR) iyo sidoo kale Dilkii Sagal Salaad Cusmaan oo ahayd gabar dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale halkaas lagu soo bandhigay ama ubaxyo la dhigay taalooyin lagu xusaayo saxafiyiinta sanaadkaaan lagu dilay caalamka oo dalkeena soomaaliya uu kamida tahay wadamada inta badan  suxufiyiinta lagu dhibaateeyo .

Xogahaya guud ee IFJ  Anthony Bellanger ayaa suxufiyiinta soomaaliyeed u diray hambalyo wuxuuna ku booriyay inay shaqadooda sii wataan , iyadoo la ogsoon yahay marxalada adage ee uu ku shaqeeyo suxufiga Soomaaliyeed “ Halkan waxaa ku kulmay in ka badan 300 suxufiyiin ka kala yimid dunida mid kasta wuxuu leeyahay dalka shaqadiisana waa mid u madax banaan cid soo fara galisana ma jirto waxaan NUSOJ u  rajaynayaa inay sidaa oo kale u madax banaanato oo fara gelin laga daayo “ sidaa waxaa yiri Anthony Bellanger .

1112Sagal 1sagal 2sagal 3sagal 4sagal 5

 

Xuseen Baari  Saxafipress.com

Saxafipress@gmail.com

Info@Saxafipress.com

Muqdisho, Soomaaliya

 

Share This:

images

Muqdisho Xaqeedii Meher Ayaa Loo Bixiyay Waana Caddaalad Daro

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ahna Xoghayaha Guud ee Xisbi Siyaasadeedka Daljir Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay Go’aamadii ka soo baxay Madasha wada-tashig Qaran islamarkaana Madaxda Soomaalida ay Guddiga u saareen Maqaamka Magaalada Muqdisho iyo Matalaadii Dadka ku nool Gobolka Banadir Aqalka Sare.

Amb. Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in wax laga Xumaado ay tahay in Madaxda ka soo jeeda Muqdisho iyo kuwa Xilalka ka soo qabtay Muqdisho intaba in ay Xaqiraan Xaquuqdii Dadka ku nool Gobolka Banaadir ay ku lahaayeen Nidaamka Federaalka islamarkaana la in kiro.

“Waxaan leeyahay Xaquuqdii Muqdisho in la waayo waxaa Mas’uul ka ah dadka u dhashay Muqdisho ee ka midka ah Madasha Wada-tashiga,Waxaana Xaquuqdii Muqdisho lagu bixiyay Meher waxaana la siiyay Gobolo kale”ayuu yiri AMB. Axmed Macalin Fiqi.

Sidoo kale Axmed Macalin Fiqi ayaa intaa ku daray in Shacabka ku nool Gobolka Banaadir looga baahan yahay in ay Arrintaasi ka dhiidhiyaan oo ay ku dadaalaan sidii ay Xaqii ay ku lahaayeen Nidaamka Federaalka ay ku heli lahaayeen

Share This:

geele-70x53

Wasiirka Boostada Ee Dowladda Soomaaliya Oo Kulan Laqaatay Dhigiisa Jabuuti

Wasiirka wasaaradda Boostada Mudane Maxamed Jaamac Mursal (Geelle) oo uu waheliyo agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa safar shaqo ku jooga magaalada Jabuuti ee dalka aynu walaalaha nahay ee Jabuuti. Wasiirka Geelle ayaa casuumad toos ah ka helay dhiggiisa Mudane Cabdi Yuusuf Suge si ay labada wasaaradood isaga kaashadaan arrimo badan oo la xariira horumarka adeegyada Boostada iyo Isgaarsiinta ee labada dal.

Wafdigu markii uu gaaray garoonka magaalada Jabuuti waxaa soo dhaweeyey wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti Mudane Cabdi Yuusuf Suge iyo Agaasimaha guud ee dalka Jabuuti Mudane Maxamed Casoowe Buux.

Madaxda labada wasaaradood ayaa kawada hadli doona arrimo badan oo ay ka mid yihiin iskaaashiga dhinaca Boostada iyo Isgaarsiinta labada dal iyo sidii dawladda Jabuuti uga caawin lahayd wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya dhanka tababarada iyo kobcinta xirfadaha shaqaalaha.

Wasiirka iyo agaasimaha ayaa maanta oo Axada booqan doona Xarunta wasaaradda iyo meelaha laga maamulo Xarigga Internet-ka (Fiber Optic) oo gaaraya illaa lix Xarig meesha dalka Soomaaliya uu ka yaalo mid.

Labada wasiir ayaa bishii May la wareegey xilka labada wasaaradood waxuuna safarkani qayb ka yahay xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah

Share This:

ciidan-150x150

Somaliland Oo Ciidamo U Dirtay Gobolka Sool

Iyadoo Dagaal dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen uu ka dhacay Degaanka dharkeyn oo hoostaga Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa  Maamulka Somaliland uu halkaa u diray Ciidamo aad u badan.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/llaahi  Cismaan Saxardiid ayaa sheegay in Somaliland ay Ciidamo aad u badan u dirtay Degaanka Dharkeyn oo ay ku dagaalameyn Labo Maleeshiyo Beelood.

Dagaalka ka dhacay Degaanka Dharkeyn ayaa waxaa ku dhintay ilaa 20 Qof halka Dhaawacu uu ka badan yahay 25 kale.

Wararka Saaka laga helayo Degaanka Dharkeyn ayaa sheegaya in ay ka jirto Xiisad Colaadeed iyadoo Maleeshiyaadkii Dagaalamay ay isku hor-fadhiyaan halkaa.

Share This:

160528134518_nigeria_muhammadu_buhari_512x288_afp_nocredit

Nigeria Oo Heshay Lacag Laga Xaday

Dowladda Nigeria ayaa waxa ay sheegeysaa inay dib u soo ceshatay lacag la musuqmaasuqay.

Lacagtaasi oo gaareysa 500 oo milyan oo dollar waxaa qaatay xubno horey dowladda uga mid ahaan jiray, sida maamulka dalkaasi uu sheegay.

Lacagta la helay waxay u badan tahay Naira, laakiin waxaa jirto 185 milyan oo dollar oo si gaar ah loo soo celiyay.

Sidoo kale sterling iyo euro ayaa ka mid ah lacagta la xaday ee la soo celiyay.

Doomo, dhismayaal, gawaari iyo beero ayaa sidoo kale dowladda ay la wareegtay.

Dowladda si rasmi ah umaysan sheegin cidda sida dhabta ah lacagtaa iyo hantidaasi u xaday.

Arrintan waxay ka mid tahay qaabadka uu madaxweyne Maxamadu Buhari ula dagaallamayo musuqa.

Share This:

150107133441_mohamed_ali_624x351_ap

Feer Yahankii Caanka Ahaa Oo Jimcaha La Aasi Doono

Qoyska Maxamed Cali waxa ay ku dhawaaqeen in aaska feeryahanka maalinta jimcaha uu ka dhicidoono magalada uu ku dhashay ee Louisville ee Kentucky.

Afhayeen u hadlay qoyska Cali waxa uu sheegay inuu ahaa muwaadinka caalamka, uuna jeclaan lahaa in dhammaan dadka inay aaskiisa xaadiraan.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton, waxa uu ka mid noqondoonaa hogaamiyayaasha aaska ka qeybgalidoona.

Maxamed Cali waxa uu ahaa 74 sano jir, seddax jeer ayuuna ku guuleystay tartanka feerka culus.

Aaskiisa waxaa loo dhigayaa sida diinta islaamka ay qabto, laakiin dad diimo kala duwan aaminsan ayaa ka qeybgalidoona.

Geerida Maxamed Cali ayaa waxa ay hareysay siyaasadda Mareykanka iyo u loolamidda doorashada.

Dadka tacsida u sameeyay waxaa ka mid ah Donald Trump, oo ay u badan tahay inuu noqdo musharraxa xisbiga Jamhuuriga, ayaa sheegay in Maxamed Cali uu ahaa nin ku weyn horyaalka feerka, uuna ka dhintay dadka oo dhan.

Laakiin sanadkii tagay, ninkii ugu caansanaa tartamada feerka, Maxamed Cali waxa uu cambaareeyay hadalkii Trump ee ahaa in Muslimiinta uu ka mamnuucayo inay Mareykanka galaan.

Mid kamid ah musharrixiinta xisbiga dimuquraadiga, Senator Bernie Sanders, waxa uu Donald Trump ku eedeeyay munaafaqnimo.

Hilary Clinton oo ugu cadcad dimuquraadiyiinta ayaa dhankeeda waxa ay sheegtay inay tahay in Trump lagu dacweeyo hadalladiisa iyo ficilladiisa.

Share This: