Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Wakiillada Mareykanka, in ka badan saddex sano kaddib markii Jamhuuriyiintu ay ka saareen guddigaas.
Ilhaan, oo Dimoqraadi ah kana soo jeedda gobolka Minnesota, ayaa sidoo kale ka fikiraysa inay kursi ka raadsato Guddiga Qoondaynta Miisaaniyadda, oo ka mid ah guddiyada ugu awoodda badan uguna tartanka badan Congress-ka.
“Aad ayaan u jeclaan lahaa,” ayay Ilhaan u sheegtay warbaahinta Semafor, mar la weydiiyey inay doonayso inay ku noqoto Guddiga Arrimaha Dibadda.
“Waa guddiga aan ugu jeclahay. Waxaan ka fikirayaa Guddiga Qoondaynta Miisaaniyadda iyo guddiyo kale, marka waan arki doonnaa sida ay wax u kala baxaan,” ayay tiri.
Haddii Ilhaan dib loogu magacaabo Guddiga Arrimaha Dibadda, kala-horreynta ay ka haysato xubnaha kale marka la eego muddada ay Congress-ka ka tirsaneyd ayaa u sahli karta inay guddoomiye ka noqoto guddi-hoosaadka Afrika.
Jagadaas waxay siin lahayd door muuqda oo ay ku yeelato kormeerka siyaasadda Mareykanka ee qaaradda, oo ay ku jiraan arrimaha Geeska Afrika.
Sara Jacobs oo ka tirsan California, ahna Dimoqraadiga ugu sarreeya ee hadda ka tirsan guddi-hoosaadka Afrika, ayaa sheegtay in arrinta ay tahay mid “weli la kala caddeynayo”.
Hase yeeshee, Greg Meeks oo ah Dimoqraadiga ugu sarreeya Guddiga Arrimaha Dibadda, ayaa Semafor u sheegay in Ilhaan ay iyadu dooran karto inay qabato hoggaanka guddi-hoosaadka Afrika.
Ilhaan waxay Guddiga Arrimaha Dibadda ka tirsaneyd intii u dhaxeysay 2019 iyo Febraayo 2023, waxayna xilligii hore guddoomiye ku-xigeen ka soo noqotay guddi-hoosaadkii qaabilsanaa Afrika, caafimaadka caalamiga ah iyo xuquuqda aadanaha.
Aqalka Wakiillada ayaa bishii Febraayo 2023 cod 218–211 ah uga saaray guddiga. Jamhuuriyiinta ayaa tallaabadaas ku sababeeyey hadallo hore oo ay Ilhaan ka jeedisay Israa’iil iyo ururka AIPAC ee u ololeeya Israa’iil, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo xambaarsan Yahuud naceyb.
Ilhaan waxay raalli-gelin ka bixisay mid ka mid ah hadalladii ay jeedisay 2019, halka Dimoqraadiyiintu ay ka saaristeeda guddiga ku tilmaameen aargoosi siyaasadeed.
Waxay hadda ka tirsan tahay guddiyada Miisaaniyadda iyo Waxbarashada iyo Shaqaalaha. Haddii ay u wareegto Guddiga Qoondaynta Miisaaniyadda, waxay ka qeyb qaadan lahayd dejinta sida loo qaybiyo inta badan kharashaadka sanadlaha ah ee dowladda federaalka.
Dimoqraadiyiinta ayaa dhowaan billaabaya qaybsiga kuraasta guddiyada kaddib markii ay doorashadii dhexe dib ula wareegeen aqlabiyadda Aqalka Wakiillada.
Aqlabiyadda ka ballaaran intii la filayey waxay hoggaanka xisbiga hor dhigaysaa go’aanno adag, gaar ahaan guddiyada sida weyn loo doonayo.
Magacaabista kama dambaysta ah weli lama go’aamin, waxaana qaab-dhismeedka guddiyada cusub la dhammaystiri doonaa ka hor inta uusan Congress-ka cusub shaqada bilaabin bisha Janaayo.